DHAGEYSO:Haweeney carruurteeda ku dishay Bomet

0
287

Ciidamada booliiska ee ismaamulka Bomet ayaa baaraya dhacdo ay haweeney ku dishay labo canug oo ay dhashay oo ay da’doodu kala ahayd 12 iyo 3 sano ka hor inta aynan nafteeda ka takhalusin.
Haweeneydan ayaa magaceeda lagu sheegay Lorna Cherono.
Paul Mutai oo adeerkeed ah ayaa warbaahinta u sheegay inuu ka war helay in labada canug ay dishay iyadana ay xarig isku ceejisay.
Waxaa uu intaasi ku daray in mararka qaar uu soo foodsaari jiray xanuun dhanka dhimirka ah.
Mutai iyo Stanley Rotich oo ka mid ah dariska qoyskaasi ayaa warbaahinta uga warramay sida ay wax u dhaceen iyagoo baaq u diray dowladda.