Maxkamadda gobolka Banaadir oo xukun ku ridday gabdhihii TikTok-layda

0
445

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku ridday 9 gabdhood oo ka mid ah dhallinyarada isticmaala baraha bulshada, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyay u xirnaa ciidamada booliiska dowladda Soomaaliya.
Waxay maxkamadda ugu dambeyn xukun ka soo saartay dacwad loo haystay gabdhahan oo caan ka ahaa aaladda TikTok, waxaa ka mid ah Sihaam Tahliil, Nashaad Nalka, Sacdiyo Galmudug, Iftin Model, Aniso Anjalii iyo Farxiyo Soona.
Dhammaantood waxaa lagu soo eedeeyay kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta anshax xumo, sida ay horay u sheegtay xeer ilaalinta guud ee qaranka Soomaaliya.
Sidoo kale dacwadda oo dhameysatay heerarkeeda kala duwan ayaa ugu dambeyntii maanta waxaa xukun ka soo saartay maxkamadda gobolka Banaadir, eedeysanayaasha oo ka koobnaa 9 gabdhood ayaa 7 ka mid ah lagu xukumay min 6 bilood oo xabsi ah, halka 2 gabdhood ay maxkamaddu dib ugu celisay xorriyadooda, ka dib markii lagu waayay wax dambi ah.
Sidoo kale waxaa jira dhallinyaro kale oo weli xiran, islamarkaana ay socoto maxkamadeyntooda, kuwaas oo loo haysto anshax xumo iyo Aflagaado, iyagoo isticmaalaya Baraha Bulshada gaarka ah ee aaladda TikTok.
Howlgalka ka dhanka ah dhalinyarada baraha bulshada ayaa soo billowday bishii Shanaad ee sanadkan, waxaana lagu soo xiray dhallinyaro badan oo ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Hadal-heyn xooggan ayaa sidoo kale ka dhalatay xarigga dhallinyaradan, maadaama ay yihiin kuwii ugu caansanaa TikTok, waxaana badan dadka qaba in la suuliyo dhaqanka ay wadeen ee qabyaaladda ah, kaas oo kicinaya bulsho nabad ku wada deggan Muqdisho.