Wasiirka magacaaban ee wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada Dr. Alfred Mutua ayaa ballan qaaday in haddii baarlamaanka uu ansixiyo magacaabidiisa uu ku dadaali doono olole kenyaanka ay ku ogaanayaan fursadaha shaqo ee uga bannaan qurbaha.
Waxaa uu sheegay inuu ka shaqeyn doono wanaajinta xaaladaha ay ku howlgalaan muwaadiniinta qurba joogta ah.
Dr. Mutua ayaa hoosta ka xarriiqay in aynan qasab ahayn in kenyaanka ay dibadda ka qabtaan shaqooyin sida uu hadalka u dhigay loogu xamaasho sida dameerka oo kale.
Sidoo kale waxaa uu ballan qaaday in ardayda soo bartay culuunta kala duwan ee maray tijaabada shaqada mudnaan la siinaya marka ay soo baxaan fursadaha shaqo.
Alfred Mutua ayaa sheegay in kenyaanka aynan doonayn lacago la siiyo balse ay u baahan yihiin fursado ay ku shaqeysan karaan oo uu xusay in ay diyaar la yihiin dowladaha Australia, Jarmalka , Talyaaniga , Kuwait, Cumman, Qatar, Turkiga,Maraykanka iyo Canada.
Dhanka kale, waxaa uu beeniyay in xilligii uu hoggaaminayay ismaamulka Machakos uu maamulkiisa uruurin jiray magacyada dadka ka diiwaangashan barnaamijka Inua Jamii ee ay dowladdu qaab lacageed ugu taageerto qaybaha nugul ee bulshada.
Waxaa uu cadeeyay in ay uruuriyeen macluumaad la doonayay in lagu ogaado baahiyaha dhanka biyaha ee ka jira ismaamulkaasi.