Dr. Alfred Mutua, wasiirka magacaaban ee shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ayaa xilli maanta la turxaan bixinayay sheegay in uunan weligii la kulmin haweeney lagu magacaabo Judy Jepchirchir.
Judy oo ah agaasimaha shirkadda shaqaaleysiinta ee First Choice ayaa lala xiriiriyay fadeexad dhanka howlgelinta ah.
Waxaa uu xusay in keliya uu xusuusto in Judy ay iyadoo matalaysa shirkadeeda xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi ay ku soo bandhigtay barnaamij ku saabsan waxyaabaha ay qabtaan.
Judy Jepchirchir ayaa lagu eedeyay in ay malaayiin shilin ka dhacday kenyaanka ku nool ismaamulka Uasin Gishu ka dib markii ay u ballan qaadday shaqooyin dibadeed.
Barasaabkii hore ee Machakos ayaa ballan qaaday inuu u hoggaansami doono heshiisyada dhanka shaqaaleysiinta.
Waxaa uu qiimaha hantidiisa ku sheegay 462 milyan oo shilin iyadoo sanadkii 2022-kii uu xusay inuu leeyahay hanti dhan 420 milyan oo shilin.
Guddiga turxaan bixinta sameynaya ee uu hoggaaminaya guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetang’ula ayaa sidoo kale su’aallo waydiiyay Wycliffe Oparanya , wasiirka loo soo magacaabay wasaaradda iskaashatooyinka iyo ganacsiyada yaryar .
Waxaa uu qorshuhu yahay in abaare 3-da galabnimo ee maanta la turxaan bixiyo Justin Bedan Muturi, wasiirka adeegga dadweynaha iyo Stella Soi Langat, wasiiradda magacaaban ee jinsiyadda , dhaqanka farshaxanka iyo hiddaha oo la turxaan bixin doono 5-ta galabnimo ee maanta.