DHAGEYSO:Puntland oo bilowday socodsiinta lacagta shilin Soomaaliga ah

0
620

Maamulka Magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal ayaa bilaabay qorsho lagu socod siinayo isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga oo waayihii dambe laga diidanaa degaano badan oo ka tirsan Maamulka Puntland.
Duqa degmada Garoowe Axmed Saciid Muuse ayaa sheegay in, iyadoo laga duulayo go’aamadii Xukuumadda dhamaan Ganacsatada iyo Shacabka la farayo socodsiinta isticmaalka lacagta Shillin Soomaaliga.
Waxaa uu sheegay in marnaba aan la aqbaleyn in Ganacsatada ay diidaan lacagta Shillin Soomaaliga, iyada oo Maamulka uu sheegay inay Canshuurta dad uga qaadayaan Shillin Soomaali, waxaana uu ku hanjabay in cid kasta oo ka dhega adeygta laga qaadi doono talaabo Sharci ah.
Ugu dambeyn duqa degmada Garoowe ayaa waxaa uu ku amray Hay’adaha Amniga inay tallaabo ka qaadaan dadka diidan Shillin Soomaaliga, waxaana Shacabka uu ka dalbaday inay laamaha Amniga kusoo wargeliyaan.

Bilihii la soo dhaafay ayaa dadka kunool degaannada Puntland waxaa heystay caqabad ah diidmada lacagta Shillin Soomaaliga taas oo uu ka dhashay sicir barar baahsan.