Afar qof oo ku dhintay dab ka kacay suuqa Toi ee magaalada Nairobi

0
391

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada afar qof ka dib dab saameeyay suuqa Toi ee xaafadda Kibera ee ismaamulka Nairobi .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ilmo yar uu ku jiro dadka dhintay.
Khasaaraha ka dhashay dabka ayaa saameyn ka soo gaartay 2,000 oo qof oo suuqaasi ganacsi ku lahaa.
Guddoomiyaha suuqa Toi Kenneth Jumba ayaa sheegay in dabka uu aad xoogganaa.
Ma ahan markii ugu horreysay ee suuqa Toi uu dab ka kaco.
Bishii lixaad ee sanadkii hore ayay markii ganacsatada suuqa Toi ay saameyn xooggan ka soo gaartay dab saameeyay suuqaasi.