Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax barqanimadii Maanta ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, kaasoo jugtiisa laga maqlay degmooyinka ku dhow Kaxda ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa miinad nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca Soomaalida u taqaano SURF oo ay la socdeen saddex ruux, waxaana qaraxaas ka dhashay sida ay warbaahinta gudaha Soomaaliya ku waramayso khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dad Gobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta Gudaha ayaa u sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen laba Nin oo Injineero ahaa iyo Darawalkii ku waday gaariga oo lagu sheegay inuu ahaa Askari, kuwaasoo ku sii jeeday goob ay ka socotay dhimso Guri, waxaana ku dhaawacantay Haweeney wadada mareysay.
Ciidamo ka tirsan dowladda Feeraalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaum halkaas ka sameeyeen baaritaano, iyagoona Goobta ka qaaday Meydadka dadka dhintay Qaraxa.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Soomnaaliya oo ay uga hadlayaan qaraxaas Maanta ka dhacay qeyb kamid ah degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.