Dr. Patrick Amoth oo loo ansixiyay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dalka

0
219

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ansixiyay magacaabidda Dr. Patrick Omwanda Amoth oo si ku meel gaar ah u sii hayay xilka agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee dalka.
Tani ayaa ku soo aadday ka dib soo jeedin ka timid guddiyada caafimaadka ee baarlamaanka iyo aqalka sare.
Xubnaha guddiyadan ayaa isku raacay aqoonta iyo waaya aragnimada durugsan ee Dr. Amoth ee dhanka caafimaadka.
Waxay xaqiijiyeen inuu ka soo baxay dhammaan shuruudaha dastuuriga ah ee uu si buuxda ugula wareegi karo jagadan oo uu afar sano si ku meel gaar ah u hayay.
Guddoomiyaha guddiga arrimaha caafimaadka ee baarlamaanka ahna xildhibaanka deegaanka Endebess ee ismaamulka Trans-Nzoia Robert Pukose ayaa sheegay in ay tixgeliyeen kartida shaqo, waaya aragnimada , hufnaanta iyo sida uu qabashada xilkan ugu qalmo Dr. Patrick Amoth.
Waxaa arrintan ku waafaqay xildhibaanka deegaanka Chuka Igambang’ombe Patrick Munene Ntwiga ayaa Dr. Amoth ku bogaadiyay inuu dulqaad muujiyay.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ayaa laga doonaya inuu hoggaanka wasaaradda ka caawiyo dhinaca talo-siinta iyo dejinta xeerarka kala duwan.
Dr. Patrick Amoth ayaa leh in ka badan 30 sano oo khibrad dhanka maareynta hannaanka caafimaad , caafimaadka taranka iyo fayadhowrka ee heerarka bulsho, qaran, gobolka iyo caalamka.