QM oo sheegtay in Israa’iil ay jirdisho Falastiiniyiinta la xiro

0
332

Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan isku duwidda arrimaha baniaadannimo ee OCHA ayaa warbixin ka kooban 23 bog oo uu soo saaray ku sheegay in jirdil iyo xadgudubyo kale loo gaysto Falastiinyiinta ay xiraan ciidamada Israa’iil.
Kumanaan qof ayaa la xiray tan iyo markii uu billowday dullaanka militari ee ay Israa’iil ka wado Qaza.
Warbixinta waxaa ku cad in shakhsiyaad la qabto muddo dheer si qarsoodi ah meelo loogu hayo .
OCHA ayaa sheegtay in ay wareysatay dad la xiray oo markii dambe la soo siidaayay iyo dhibbanayaasha kale ee duullaanka soo billowday 7-dii Oktoobar ee sanadkii hore.
Hay’adda ayaa baaritaanadeeda ku ogaatay in xilligaasi ilaa 30-kii bishii 6-aad ee sanadkan kumanaan qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ka mid yihiin saraakiil caafimaad laga qabtay Qaza oo la geeyay Israa’iil iyagoo indhaha ka xiran.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in xabsiyada Israa’iil wixii ka horreeyay dhammaadkii June ee sanadkan lagu hayay in ka badan 9,400 oo qof.
Dadkan ayaan loo sheegin sababaha loo xiray sidoo kalena ma aynan helin fursado uu qareen ku matalo sida ay sheegaysa qaramada midoobay.
OCHA waxay kale oo sheegtay in xabsiyada Israa’iil ay ku dhex geeriyoodeen ugu yaraan 53 Falastiiniyiin ah.
Tacaddiga la diiwaangeliyay in maxaabiista loo gaystay waxaa ka mid ah galmo iyo in loola macaamilay si arxaan darro ah , liidato oo baniaadannimada ka baxsan.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii 8 qof oo u dhashay Falastiin oo ay siidaayeen ciidamada militariga ee Israa’iil ay sheegeen in lagu jirdilay xabsiga Ofer ee Daanta Galbeed ee la haysto ee Falastiin.
Maxaabiis hore oo Falastiiniyiin ah ayaa qaramada midoobay u sheegay in lagu hayay xarumo la mid ah meelaha xoolaha lagu xareeyo , la qaawiyay muddo badan oo keliya xirnaayeen xafaayado.