Maxkamadda oo go’aamisay in barasaabyada iyo ku xigeenadooda aan la siin howlgab gaar ah

0
343

Maxkamadda sare ee dalka ayaa go’aamisay in barasaabyada ismaamullada iyo ku xigeenadooda marka ay howlgabka noqdaan aynan u xaq lahayn hannaan gaar ah oo la mid ah kan ay ka faa’iidaan shaqaalaha dowladda ee shaqooyinka ka fadhiistay.
Tani ayaa timid ka dib markii golaha barasaabyada ismaamullada ee (CoG) uu gudbiyay dacwad ka dhan ahayd guddiga mushaaraadka iyo gunnooyinka ee (SRC).
SRC ayaa hoosta ka xarriiqday in soo jeedinta ah in guddoomiyaasha dowlad deegaannada iyo ku xigeenadooda howlgabka noqdo ay helaan lacagaha howlgabnimada ay tahay mid aan la awoodin sidoo kalena miisaaniyad ahaan aan la sii joogteyn karin.