Waxaa ay maanta rabshado ka dheceen xarunta dhexe ee xisbiga talada waddanka haya ee UDA ee magaalada Nairobi.
Tani ayaa timid ka dib markii ay halkaasi tageen taageerayaasha Xoghayaha Guud ee xisbiga Cleophas Malala.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in uu goobtaasi ka soo baxay Joe Khalende oo sheeganaya inuu yahay xoghayaha cusub ee UDA isagoo u muuqdo in la dhaawacay.
Jawiga xarunta dhexe ee UDA ayaa maanta sidatan ahayd ka hor inta aynan ciidamada ammaanka xaaladda dejin.
Shalay ayay ahayd markii koox uu hor kacayay Khalende ay shaaciyeen olole xilka looga qaadaya xoghayaha guud ee xisbiga Cleophas Malala.
Waxaa uu Khalende sheegay inuu yahay sii hayaha jagada xoghayaha guud ee UDA iyo in Malala laga hor istaagay inuu waajibaad shaqo u qabto xisbiga.
Kooxdan ayaa Malala ku eedeyay inuu carqaladeynaya xukuumadda midnimada qaran ee ay soo dhiseen madaxweynaha dalka William Ruto iyo madaxa mucaaradka Raila Odinga.
Cleophas Malala ayaa dhankiisa beeniyay warbixinno la faafiyay oo sheegayay inuu iska casilay xilka Xoghayaha Guud ee xisbiga UDA.