Macallimiinta oo shaqo joojin ku hanjabay haddii aan laga laaban miisaaniyadda laga dhimay TSC

0
181

Ururrada macallimiinta dalka ee KNUT iyo KUPPET ayaa wacad ku maray in ay saameyn wayn soo gaari doonto howlaha waxbarashada ee xilli dugsiyeedka saddexaad ee sanadkan haddii aynan dowladdu dib u eegis ku sameyn tallaabada lagu dhimay miisaaniyadda guddiga adeegga barayaasha ee TSC.
Xoghayaha Guud ee ururka macallimiinta ee KUPPET Akello Misori iyo Xoghayaha Fulinta ee ururka qaran ee barayaasha ee KNUT laantiisa ismaamulka Kisumu David Obuon ayaa sheegay in macallimiinta ay shaqo joojin sameyn doonaan haddii aan baaqooda la tixgelin.
Waxay intaasi ku dareen in ka dib markii madaxweynaha dalka William Ruto uu wasaaradaha kala duwan ku amray in ay boqolkiiba 30 dhimaan miisaaniyadooda sidoo kalena uunan saxiixin hindise sharciyeedkii maaliyadda ee sanadkan ay TSC wajahaysa caqabad dhaqaale oo dhan ilaa 10 bilyan oo shilin.