Xildhibaannada baarlamaanka dalka ayaa doonaya in baaritaano dhanka hanti dhowrka ah lagu sameeyo 2.7 bilyan oo shilin oo uu guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha waddanka ee (IEBC) uu ku qarash geliyay dacwadihii ka dhashay natiijooyinkii doorashadii guud ee sanadkii 2022-kii.
Guddiga baarlamaanka u qaabilsan xisaabaadka ee (PAC) ayaa ku talinaya in dabagal lagu sameeyo miisaaniyaddan.
Mudanayaasha ayaa IEBC ku eedeyay in ay sare u qaadday qiimaha lacagaha ay ku leeyihiin qareenno caan ah oo dacwadahan ku matalayay.
Tani ayaa timid ka dib markii warbixin uu soo saaray xafiiska hanti dhowraha guud ee dalka lagu sheegay in guddiga doorashooyinka lagu leeyahay in ka badan 2 bilyan oo shilin.
Madaxa fulinta ee IEBC Marjaan Xuseen ayaa baarlamaanka u sheegay in dacwado badan ay ka dhasheen natiijooyinkii doorashada sidaasi awgeedna ay guddigu danta ku qasabtay inuu howlgeliyo qareeno dhowr ah si kiisaskan loo maareeyo.