Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa xaqiijisay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay duullaanka militari ee ay wadaan ciidamada Israa’iil lagu dilay 66 qof.
Waxaa muddadan gudaheeda la dhaawacay 241 ruux oo dheeraad ah.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, duqeymaha Israa’iil ee Qaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 39,324 ruux iyadoo la dhaawacay 90,830 kale.