Madaxa xisbiga Wiper kana mid ah hoggaamiyaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Kalonzo Musyoka ayaa dowladda ka dalbaday in ay magdhow siiso qoysaska dadkii lagu dilay dibadbaxyadii waddanka ka dhacay.
Xilli uu aaska David Mwova oo dadkan ka mid ahaa uga qayb galay deegaanka Waqooyiga Mwingi ee ismaamulka Kitui ayuu Musyoka wax laga xumaado ku tilmaamay in ilaa iyo hadda aynan jirin cid lagula xisaabtamay dilalkii la gaystay.
Kalonzo ayaa maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee IPOA ka dalbaday inuu waajibaadkiisa shaqo uga soo baxo si aan cabsi lahayn.
Dhanka kale , senatarka ismaamulka Makueni Dan Maanzo ayaa agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Renson Mulele ugu baaqay inuu is casilo haddii uunan xaqiijin karin in ay cadaalad helayaan qoysaska dhallinyaradii lagu dilay dibadbaxyada oo ay ka mid ahaayeen Alex Muteti iyo Rex Kanyeki Masai.