DHAGEYSO:Kalonzo Musyoka oo sheegay inuu diyaar u yahay in uu mucaaradka hoggaamiyo

0
405

Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha siyaasadeed ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa shaaca ka qaadeen in madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka uu yahay hoggaamiyahooda cusub ee mucaaradka.
Tani ayaa timid ka dib markii dhawaan madaxweynaha dalka William Ruto uu xilalka wasiirrada u magacaabay afar xubnood oo ka tirsan xisbiga ODM.
Hasa ahaatee, xisbiga ODM ayaa iska fogeeyay sheegashada ah in xisbiga UDA ee madaxweyne William Ruto ay la geleen heshiis ku aaddan isbeheysi.
Siyaasiyiinta mucaaradka ee kala ah, Kalonzo Musyoka, Jeremiah Kioni iyo Eugene Wamalwa ayaa sheegay inay ODM ay isaga bixi karto isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya.
Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa dhankiisa sheegay inuu diyaar uu yahay in mucaaradka uu hoggaamiyo.
Waxaa uu meesha ka saaray inuu diyaar u yahay inuu noqdo xeer ilaaliyaha guud ee dalka.