Madaxweynaha dalka oo maanta howlo ka fulin doono Xeebta

0
147

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa lagu wadaa inuu maanta barnaamijyo ka fuliyo ismaamullada Mombasa iyo Kilifi ee gobolka Xeebta.
Waxaa uu qorshuhu yahay inuu bandhigga Mombasa lacago ugu qaybiyo kooxaha kalluumeysiga ee maxalliga ah.
Sidoo kale waxaa uu booqan doonaa mashaariic horumarineed oo muhiim ah oo laga hirgelinaya Waqooyiga Kilifi iyo deegaanka Malindi.
Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa isna tagi doono ismaamulka Laikipia.
Waxaa uu halkaasi uga qayb galaya aaska Susan Kiiru Wanjohi, oo ahayd hooyada xoghayaha golaha wasiirrada dalka Mercy Wanjau.