Dowladda Bangladesh oo difaacday qaabka ay uga falcelisay dibadbaxyada

0
162

Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee dalka Bangladesh Maxamad Arafat oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta caalamiga ee Aljazeera ayaa difaacay qaabkii ay dowladda waddankaasi uga falcelisay mudaaharaadyadii dhacay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qaramada midoobay ay dalbanaysa in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo jawaabtii ay bixisay dowladda Bangladesh.
Maxamad Arafat ayaa xusay in ciidamada ammaanka ay sameeyeen wax kasta oo ay dib ugu soo celin karaan xaaladdii xasilloonida.
Waxaa uu sheegay in ay jiraan kooxo mayal adag iyo sida uu hadalka u dhigay argagixiso sii hurinaya degganaansho la’aanta.
Wasiirka ayaa sheegay in aynan ardayda dibadbaxa sameeyay ku tilmaamayn argagixiso balse ay jireen dhinacyo kale oo farageliyay dhaqdhaqaaqa ardayda.
In ka badan 150 arday ah ayaa lagu dilay mudaaharaadyada halka kumanaan kalena la xiray sida ay tabinaysa warbaahinta maxalliga ee Bangladesh.
Dibadbaxyada ayaa looga soo horjeeday hannaanka shaqaaleysiinta ee waddankaasi.