DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo amaanay waxqabadka Kithure Kindiki

0
206

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa bogaadiyay Prof. Kithure Kindiki oo uu mar kale u soo magacaabay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran.
Waxaa uu sheegay in Kindiki uu dadaal badan ku bixiyay la tacaalidda kooxaha burcadda ee gaysta dilalka iyo dhaca xoolaha iyo sidoo kale argagixisada.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Tharaka Nithi ayuu hoggaamiyaha dalka sheegay in Kindiki uu wax badan ka qabtay xaaladihii amni darro ee ka jiray ismaamulka Lamu iyo dowlad deegaannada dhaca Waqooyiga Gobolka Rift Valley.
Madaxweyne William Ruto oo dhanka kale difaacay sababta uu golihiisa wasiirrada ugu soo daray afar xubnood oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ee ODM ayaa yiri.