Ciidamada booliiska ee maamulka Puntland ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku qabtay nin dhallinyaro ah oo xirna dharka dumarka.
Ninkan xirnaa dharka dumarka ee la sheegay inuu iska dhigi jiray qof dumar ah, islamarkaana qaab dumar ahaan uga shaqeysan jiray magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo ayaa magaciisa lagu sheegay Axmad Cali Shire, waxaana la tilmaamay inuu la baxay magaca Aniso Cali Shire.
“Ciidanka Booliiska Gobolka mudug ayaa ku guulaystay Soo qabashada Nin isku ekaysiiyay Dumar kuna shaqeysan jiray Muddo Magalooyinka Bosaso, Garoowe ilaa Galkacyo, kaas oo lagu Magacabo Axmad Cali Shire 20 sano jir ah Dhadig ahaana La baxay Aniso cali shire, soo qabashada eedaysanahan ayaa waxaa ku guulaystay Taliyaha Saldhigga Kabida ee Magaalada Galkacyo Labo Xiddigle Axmad Jamac Xayir (Raad goob)” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska qaybta Booliiska gobolka Mudug.
Booliiska gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ninkan lagu sameyn doono baaritaan dheeraad ah, islamarkaana la horkeeni doono Maxkamadaha ku shaqada leh si loo marsiiyo ciqaabta uu mudan yahay.
Ugu dambeyntii xarigga ninkan naagta iska soo dhigay ee xirnaa dharka dumarka ayaa ku soo aadaya, iyadoo xalay magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay nin kale oo isku ekeysiiyay dumarka, kaas oo sameystay horaadaha dumarka oo ay dad badan u haysan jireen inuu yahay qof dumar ah.