Ugu yaraan 30 qof ayaa waxaa lagu dilay weerar ay dabley ku qaadeen Bariga dalka Burkina Faso halkaas oo la gubay guryaha dadka deegaanka.
Dadkan ayaa la toogtay iyaga oo isku dayaya inay ka baxsadaan halka ay weerarka ka gaysteen.
Labidi Ouoba, oo ah sarkaal ka tirsan dowladda Burkina Faso ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay tuulada Kodyel ee gobolka Komandjari oo xigta dhanka xadka Niger.
Ouoba ayaa xusay in dagaalyahanada falaagada ah ay isku gaadaameen tuulada ayna guri guri u galeen iyagoo dab qabadsiiyey dadna laayey.
Qof kale oo ka mid ah dadka deegaanka, oo lagu magacabo Mediempo Tandamba, oo ka cararay weerarkii Isniinta ayaa sheegay in ku dhawaad 100 dagaalyahano ah ay magaalada ku soo galeen mootooyin iyo gawaari xamuul ah isla markaana la dilay afar qof oo ay wada dhasheen.
Weerarka ayaa imaanaya hal isbuuc ka dib markii la dilay labo saxafi oo u dhashay dalka Spain iyo muwaadin ka soo jeedo Ireland .