Xoghayaha waaxda socdaalka ee dalka Julius Bitok ayaa sheegay in ilaa iyo hadda la qaybiyay in ka badan 900,000 oo ah kaararka casriga ee aqoonsiga ee loo yaqaano Maisha Cards.
Bitok ayaa bayaan uu soo saaray waxaa uu ku difaacay sharciyadda kaarkan ka dib dhaliil uga timid ururrada u ololeeya arirmaha bulshada.
Waxaa uu xusay in nidaamkan uu yahay mid waafaqsan hal-beegyada caalamiga ah.
Julius Bitok ayaa laga soo xigtay in waaxda diiwaangelinta qaran ee (NRB) ay bixisay kaararka Maisha Card oo ah 972,630.
Tiradan ayuu tilmaamay in ay isugu jirto 531,329 oo codsiyo cusub ah iyo 441,301 oo nuqullo ah.
Sidoo kale xoghayaha waaxda socdaalka ee dalka ayaa sheegay in ka hor inta aan nidaamkan lagu tallaaba qaadin laga qaybiyay daneeyayaal kala duwan oo ay ka mid yihiin ururrada rayidka, madaxda diimeed, waaxyaha gaarka ah, warbaahinta iyo dadweynaha.
Bitok ayaa xusay in kaarkan la adeegsan karo ilaa 10 sano ka hor inta uunan dhicin.
Xilli uu difaacayay sababta keenaysa in kaarkan muddadan ka dib la cusbooneysiiyo ayuu xoghayaha waaxda socdaalka ee dalka tilmaamay in dhaqankan uunan ahayn mid cusub balse uu ka jiro dalalka Uganda, Tanzania, Nigeria, Senegal, Faransiiska iyo kuwo kale oo qaatay aqoonsi casri ah.
Ujeeddada laga leeyahay hannaankan ayaa ah in meesha laga saaro aqoonsiyada badan ee uu qofka kenyaanka ah sito iyadoo kaarkan cusub lagu aqoonsan karo shakhsiga adeeg kasta oo uu u baahan yahay.