Guddiga PSC oo sheegay in baarlamaanka la gaarsiiyay burbur uu qiimihiisu yahay in ka badan 100 milyan

0
160

Guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC ayaa sheegay in qiimeyn horudhac ah oo la sameeyay ay muujinaysa in qiimaha lacageed ee burburka loo gaystay xarunta baarlamaanka bishii hore xilligii ay socdeen dibadbaxyada looga soo horjeeday hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan uu yahay in ka badan 100 milyan oo shilin.
Guddigan ayaa xusay in qiimeyntu ay weli socoto oo tiradan ay sii kordhi karto.
Arrintan ayaa shaaca laga qaaday xilli uu guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC soo bandhigayay miisaaniyadda dheeraadka ah ee sanad maaliyadeedka 2024/2025 –ka.
Agaasimaha Guud ee PSC Clement Nyandiere ayaa hoosta ka xarriiqay in burburka dhacay lagu xallin doono qaab caymis ah oo uu qarashaadkiisa baarlamaanka bixinaya.
Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa dhankiisa burburka la gaarsiiyay xaruntaasi ku qiimeeyay 94 milyan oo shilin.