Guddiga maareeya hay’adaha aan dowliga ahayn iyo ururrada rayidka ee ka jiro dalka ayaa maanta sheegay in ay jiraan saddex hay’adood oo si sharci darro ah uga shaqeeya gudaha Kenya.
Guddoomiyaha guddigan ,Mwambu Mabongah ayaa shir jaraaid oo uu qabtay ka sheegay in hay’adahan aynan ka diiwaangashanayn waddanka.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay helaan lacago la mariyo akoonno aan la ansixin.
Hasa ahaate , ma uunan shaacin magacyada hay’adahan oo ay hadda baaritaano ku hayaan saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in 16 hay’adood oo ay dowladdu far fiiqday ay diiwaangashan yihiin.
Qaar ka mid ah hay’adahan ayaa lala xiriiriyay dibadbaxyadii dowladda looga soo horjeeday ee waddanka ka dhacay.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa hay’adda tabarucaadda ee laga leeyahay Maraykanka ee Ford Foundation ku eedeyay in ay mudaaharaadyada maalgelisay in kastoo ay dhaliishaasi iska fogeysay.