Booliiska oo war ka soo saaray hub shalay laga helay Turkana

0
297

Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa sheegay in howlgal laga sameeyay magaalada Lokichoggio ee ismaamulka Turkana lagu soo helay qori ah nooca AK 47.
Waxaa hubkan sitay eedeysanayaal ay booliisku sheegeen in ay iska dhigayeen xoolo dhaqato.
Tuhmanayaasha la xiray waxaa ka mid ah sarkaal ka tirsan booliiska qaran ee keydka ee NPR-ta.
Adeegga qaran ee booliiska ayaa laga soo xigtay in eedeysanayaasha gacanta lagu dhigay xilli ay marayeen aagga loo yaqaano Booster ee magaalada Lokichoggio iyagoo lo’ kaxeynaya.
Tuhmanayaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska waxaana socdo baaritaano dheeraad ah.