Waxaa uu qorshuhu yahay in berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 23-ka bishan Toddobaad in ay dib u billowdaan kal-fadhiyada baarlamaanka.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo xildhibaannada ay ku maqnaayeen fasax ilaa 3 isbuuc ah.
Waxyaabaha mudnaanta koowaad la siinaya waxaa ka mid ah hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Sidoo kale waxaa baarlamaanka hor yaalla inuu turxaan bixin ku sameeyo wasiirrada uu madaxweynaha dalka William Ruto soo magacaabay.