KEMSA oo soo dhaweysay wasiiradda caafimaadka ee la magacaabay

0
189

Maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka ee (KEMSA) ayaa bogaadiyay tallaabada uu madaxweyne William Ruto xilka wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee waddanka uu ugu magacaabay Dr. Deborah Mlongo Barasa .
Mlongo ayaa ka mid ahayd qaybtii koowaad ee golaha wasiirrada ee uu madaxweynaha shaaciyay Jimchii.
Waxaa xilkan horay u haysay Susan Nakhumicha oo ka mid ahayd golihiisi wasiirrada ee uu madaxweynaha kala diray.
Guddoomiyaha guddiga maamulo KEMSA ,Irungu Nyakera ayaa sheegay in Barasa ay u qalanto jagada loo soo magacaabay.
Waxaa uu sheegay in ay leedahay in ka badan 15 sano oo ah khibrad dhanka caafimaadka ah.
Irungu ayaa hoosta ka xarriiqay in ay rajeynayaan in ay si dhow ula shaqeeyaan Dr. Deborah Mlongo haddii uu baarlamaanka ansixiyo.