Israa’iil oo ugu yaraan 12 qof ku dishay Qaza

0
219

Dhowr qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo ay Israa’iil ka gaysatay qaybaha kala duwan ee Marinka Qaza.
Waxaa dadkan ka mid ah 12 qof oo lagu dilay xerada qaxootiga ee Nuseirat .
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday waaxda difaaca ee rayidka Falastiin.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , duqeymaha militari ee ay weli Israa’iil ka wado Qaza waxaa lagu dilay ugu yaraan 38,919 ruux iyadoo la dhaawacay 89,622 kale.