Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Macallin Ciid oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in dil loogu hanjabay, markii uu ka hadlay dhacdadii Xabsiga dhexe iyo weerarkii makhaayadda Top Coffee, isagoo ku eedeeyay dowladda in aysan qaadin wax tallaabo ah oo looga jawaabayo dhacdooyinkaasi.
Xildhibaanka oo hadal ka jeedinayay fadhigii baarlamaanka ee maanta ayaa sheegay, markii uu ka hadlay dhacdooyinkan in uu la soo xiriiray mid ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda, isagoo sheegay in loogu hanjabay in madaxa laga tooganayo.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in lagu tilmaamay inuu yahay Al-Shabaab.
“Waxaan ku iri Shabaab ma ahi, laakin waxaan u danqanaya dadkayga, waayo mas’uuliyad ayaa iga saaran, waana matalaaddii la ii soo doortay inaan ka hadlo arrimahan, hadalkii ka dambeeyay wuxuu ahaa, maanta ka dib haddaad ka hadashid madaxan kaa toognayaa” ayuu yiri xildhibaanka.
Ma sheegin xildhibaanka mas’uulka u soo hanjabay.
Hasa ahaatee, wuxuu caddeeyay inuu baarlamaanka la soo wadaagi doono warbixin uu ka soo diyaarin doono cidda hanjaabadaasi kula kacday.
Home Wararka Soomaaliya Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo shaaciyay inuu halis ku jiro, looguna...