Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Caalimkii weyna Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud oo loo yaqiinay Sheekh Cismaan Xiddig, kaas oo muddooyinkii dambe ku xanuunsanaa magaalada caasimadda ah oo uu degganaa.
Geerida Sheekh Cismaan Xiddig ayaa waxaa ka tacsiyadeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, mas’uuliyiin ka tirsan dowladdiisa, siyaasiyiin caan ah, culumaa’udiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada, culumaa’udiinka iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Sheekha, isagoona tilmaamay in Sheekh Cismaan Xiddig uu ahaa Caalim weyn, daaci iyo macallin udub dhexaad u ahaa barida iyo faafinta diinta islaamka oo uu tacab iyo wakhti badan galiyay soo saarista culumo aqoon durugsan u leh diinta Islaamka iyo Jiilal waxtar u leh dalka.
Qabanqaabada aaska Sheekh Cismaan Xiddig ayaa haatan ka socota magaalada Muqdisho, waxaana Sheekha la sheegay in lagu aasi doono qabuuro ku yaalla agagaarka masjidu Shifaa ee degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyntii, Alle ha u naxariistee Sheekh Cismaan Xiddig ayaa ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa suufiyada loo yaqaano kuwooda ugu waaweyn.
Waxaa uu Sheekha soo diin baray dad badan oo Soomaaliyeed oo haatan ku kala nool dunida dalacaladeeda.
Home Wararka Soomaaliya Caalimkii weyna Sheekh Cismaan Xiddig oo geeriyooday iyo madaxweyne Xasan Sheekh oo...