Waxaa garoon ku yaalla Ruushka si degdeg ah ugu degtay mid ka mid ah diyaaradaha rakaabka ee shirkadda duullimaadka dalka India ee Air India.
Diyaaraddan oo ka duushay magaalada New Delhi ayaa ku wahajnayd magaalada San Francisco ee gobolka California ee Maraykanka.
Hasa ahaate , sida laga soo xigtay shaqaalaheeda waxaa ay soo degtay ka dib markii la dareemay in ay cillad soo foodsaartay.