Guddiga qaran ee adeegga booliiska ee (NPSC) ayaa sheegay in 8 qof laga soo xushay codsiyada ku aaddan xilalka ku xigeennada taliyaha guud ee ciidanka booliiska waddanka.
Madaxa fulinta ee guddigan Peter Leley ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu xusay in la turxaan bixin doono George Adero Sedah, Eliud Kipkoech Lagat, Tom Mboya Odero iyo Dr. Vincent Kinas Makokha oo dhammaantood ku tartamaya xilka ku xigeenka taliyaha guud ee booliiska gaar ahaan hoggaaminta booliiska caadiga ee (DIG-KPS ).
Sidoo kale waxaa jagada kale ee ku xigeenka taliyaha guud ee booliiska gaar ahaan hoggaanka ciidamada qaabilsan dhanka maamulka (DIG-APS) loollan ugu jiro Gilbert Masengeli, Margaret Nyambura Karanja, James Mukuha Kamau iyo Dr. Masoud Mwinyi .
Waxaa uu qorshuhu yahay in shakhsiyaadkan la turxaan bixiyo Isniinta soo socoto ee 22-ka bishan Toddobaad laga billaabo 9:30 subaxnimo.
Saraakiisha u tartamaya jagada DIG-KPS ayaa su’aallo la waydiin doonaa ilaa 12:15 duhurnimo ee Isniinta halka kuwa doonaya in ay qabtaan xilka DIG-APS la wareysan doonto laga billaabo 2-da duhurnimo ilaa 4:15 galabnimo.
Turxaan bixinta ayaa lagu qaban doonaa dugsiga dowladda ee KSG ee ismaamulka Nairobi.
8-da qof ayaa laga soo dhex xushay ilaa 38 ruux oo codsiyo soo dirsaday ka dib xayeysiin uu sameeyay guddiga adeegga qaran ee booliiska.
Dadweynaha ayaa laga codsaday in ay guddiga la wadaagaan macluumaadka ay shakhsiyaadkan ka hayaan ka hor Isniinta soo socoto.
Xilalkan la buuxinaya ayaa bannaanaaday kadib markii Douglas Kanja oo ahaa ku xigeenka taliyaha booliiska sidoo kalena hoggaaminayay booliiska caadiga ah loo magacaabay sii hayaha xilka taliyaha guud ee booliiska ee uu iska casilay Japhet Koome halka Nuur Gaabow oo isna ahaa ku xigeenka taliyaha guud ee ciidanka booliiska ee hoggaaminayay booliiska maamulka ee AP-da dib looga howlgeliyay waaxda adeegga dadweynaha.