Xuutiyiinta oo sheegtay mas’uuliyadda weerar ka dhacay Israa’ii

0
215

Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar laga gaystay magaalada Tel Aviv ee Israa’iil.
Afhayeenka Xuutiyiinta ayaa arrinkan shaaca uga qaaday qoraal uu soo dhigay baraha bulshada.
Tani ayaa ku soo aadaysa ka dib markii duqeyn laga shakiyay in loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn laga fuliyay meel u dhow safaaradda Maraykanka ee magaalada Tel Aviv.
Warbaahinta maxalliga ee Israa’iil ayaa ku warramaysa in meydka hal qof laga helay aaggaasi halka labo qof oo kalena ay soo gaareen dhaawacyo fudud kuwaasoo hadda xaaladooda caafimaad lala tacaalaya.