Golaha tifaftirayaasha dalka oo dalbanaya in la xaqiijiyo badqabka wariyaasha

0
153

Golaha ay ku mideysan yihiin tifaftirayaasha warbaahinta dalka ee KEG ayaa dowladda ka dalbaday in ay xaqiijiso badqabka wariyaasha iyo shirkadaha warfaafinta.
Tani ayaa timid ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyay warbixinno loogu hanjabaya suxufiyiin maxalli ah.
Waxaa baaqan soo saartay madaxa golaha tifaftirayaasha ee KEG Zubeidah Kananu.
Waxay hoosta ka xarriiqday in warbixinnada hanjabaadda ah aan la fududeysan karin xilli ciidamada ammaanka ay bartilmaameedsadeen wariyaal.
Kananu ayaa cambaareysay hanjabaadda ka dhanka ah suxufiyiinta waxayna sheegtay in dowladdu ay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta in kenyaanka ay helaan wararka ay u baahan yihiin iyadoo aan tani la carqaladeyn.
Shalay ayay ahayd markii afhayeenka dowladda sare , Isaac Mwaura oo shir jaraaid qabtay uu warfidiyeennada u xaqiijiyay in ay diyaar u yihiin in ay wada shaqeeyaan oo uunan jirin wax cadowtinnimo ah oo suxufiyiinta kala dhexeeya dowladda.