Maxkamadda sare oo hakisay go’aan ka dhan ahaa guddoomiyaha guddiga KRA

0
316

Maxkamadda sare ee dalka ayaa hakisay go’aan sharci darro ku tilmaamay magacaabidii guddoomiyaha guddiga maamulka canshuuraha waddanka ee KRA Antony Mwaura.
Tani ayaa timid ka dib markii uu Mwaura racfaan qaatay.
Garsoore Francis Gikonyo ayaa sheegay in muddo 30 cishe ah aan lagu tallaaba qaadi karin go’aankii maalmo ka hor ka soo baxay maxkamadda ilaa iyo inta laga dhageysanaya oo laga soo gabagabeynaya racfaanka.
Dhawaan ayay ahayd markii ay maxkamadda go’aamisay in Mwaura la magacaabay isagoo wajahaya dacwad musuqmaasuq taasi oo liddi ku ah xeerarka dastuuriga ee hufnaanta.