Maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee IPOA ayaa walaac ka muujiyay xadgudubyada ay gaysanayaan saraakiisha ammaanka marka ay ka falcelinayaan dibadbaxyada.
John Waiganjo oo ka mid ah saraakiisha sare ee IPOA oo saaka u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa sheegay in aynan macluumaad ka helin taliyaasha sare ee booliiska.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay maxkamadda ka codsan doonaan in warqadaha lagu soo xiraya loo jaro sii hayaha xilka taliyaha guud ee booliiska dalka Douglas Kanja iyo taliyaha booliiska ee ismaamulka Nairobi Adamson Bungei.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ee (KNCHR) uu sheegay in 50 qof lagu dilay dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda.
Guddigan ayaa diiwaangeliyay in ilaa iyo hadda la dhaawacay 574 ruux.
Sidoo kale , tirada guud ee dadka la xiray tan iyo markii ay mudaaharaadyada billowdeen bishii hore ayaa ah 1,201 qof.