Wetangula oo beeniyay in wariyaasha loo diiday tabinta howlaha baarlamaanka

0
371

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa beeniyay inuu jiro qorsho wariyaasha looga hor istaagaya in ay kenyaanka u soo tabiyaan howlaha golaha qaran ee xeer dejinta iyadoo lagu saleynaya dhacdadii 25-kii bishii hore lagu gubay qayb ka mid ah xaruntan.
Wetangula ayaa bayaan uu maanta soo saaray ku sheegay in ay sii wadi doonaan inay si dhow ula shaqeeyaan suxufiyiinta si dadweynaha loola wadaago macluumaadka saxda ah xilliga habboon.
Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in warbaahintu ay door muhiim ah ka qaadato fududeynta waajibaadka golahan maadaama ay dadweynaha wargeliso si loo hubiyo daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka.
Waxaa uu xusay in guddiga adeegga baarlamaanka uu saaka kulan la yeeshay wakillada golaha warbaahinta dalka ee MCK, ururka wariyaasha waddanka ee (KUJ) iyo ururka suxufiyiinta ee ka howlgalo baarlamaanka (KPJA).
Shirka ayaa diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladaha jira iyo sida loo sii xoojin karo iskaashiga.
Wetangula ayaa intaasi ku daray in guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC uu sameyn doono xarun casri ah oo ay suxufiyiinta si wax ku ool ah ugu gudan karaan waajibaadkooda.
Jawaabta Moses Wetangula ayaa timid ka dib markii ay wariyaal maxalli ah sheegeen inuu jiro qorsho lagu doonaya in looga mamnuuco xarunta qaran ee xeer dejinta.