Guddoomiyaha dalladda hoggaamiyaasha muslimiinta ee dalka ee NAMLEF laanteeda ismaamulka Garissa Sheekh Xasan Cabdullahi Camey ayaa ka hadlay dibadbaxyada ay dhallinyarada sameynayaan.
Waxaa uu sheegay in arrin wanaagsan tahay in madaxda lagula xisaabtamo maareynta miisaaniyadda , wax u qabashada dadka iyo oofinta ballanqaadyadii ay sameeyeen.
Hasa ahaate waxaa uu ka digay in shacabka la saaro culeysyo dheeraad ah isagoo tilmaamay in ay jiraan xilal hoggaamineed oo laga maarmi karo.
Sheekh Camey ayaa dhallinyarada ugu baaqay in ay joojiyaan dibadbaxyada oo ay dowladda fursad u siiyaan xallinta tabashooyinkooda.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aan loo baahnayn rabshadaha ay saameynta ka dhalatay ee waddanka wax u dhimaya.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Sheekh Xasan Camey oo sheegay in ay wanaagsan tahay la xisaabtanka madaxda