Paul Kagame oo markii 4-aad ku guulaystay hoggaaminta Rwanda

0
171

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa markii afaraad ku guulaystay hoggaaminta waddankaasi.
Tani ayaa timid ka dib markii uu soo hooyay boqolkiiba 99.15 ee codadkii la dhiibtay sida uu shaaciyay guddiga arrimaha doorashooyinka ee Rwanda.
Doorashada uu Kagame markii afaraad ku soo baxay ayaa dhacday 15-kii bishan.
Musharraxii xisbiga Democratic Green Party Frank Habineza ayaa helay boqolkiiba 0.53 ee codadka halka Philippe Mpayimana oo ahaa musharrax madaxweyne oo madax bannaan uu soo hooyay boqolkiiba 0.32 ee codadka.
Ilaa 8 musharrax ayaa soo codsaday in ay loollanka ka qayb galaan balse labo keliya ayaa loo ansixiyay in ay la tartamaan Paul Kagame oo Rwanda hoggaaminayay tan iyo sanadkii 2000.