DHAGEYSO:Meydadka laga helay Kware oo gaaray 10

0
286

Tirada meydadka ee ilaa iyo hadda laga helay aagga Kware ee xaafadda isku raranta ah ee Mkuru Kwa Njenga oo ka tirsan deegaan baarlamaneedka Koonfurta Embakasi ee ismaamulka Nairobi ayaa gaartay 10 .
Tani ayaa timid ka dib markii maanta meydka qof kale oo la soo saaray la geeyay goobta meydadka la dhigo ee City Mortuary ee magaalada Nairobi.
Waxaa sidoo kale halkaasi yaalla 12 ah qaybaha jirka ee dad la rumeysan yahay in la dilay iyadoo ay billowdeen qalliinnada baaritaannada ah ee meydadkan lagu sameynaya.
Qoyska Josephine Mulongo oo labo toddobaad ka hor la waayay ayaa aqoonsaday meydka gabadhooda.

Tani ayaa imaanaysa iyadoo laamaha ammaanka ee dalka ay xireen eedeysanaha ugu muhiimsan ee lala xiriirinaya meydadka laga helay Kware.
Collins Jomaisi Khalisia oo ka soo jeedo ismaamulka Vihiga ee galbeedka dalka ayaa maanta laga soo qabtay xaafadda Kayole , gurigiisa oo ilaa 100 miitar u jira goobta meydadka lagu arkay.
Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da Mr. Maxamad Ibraahim Aamiin ayaa sheegay in eedeysanaha la xiray uu qirtay in tan iyo sanadkii 2022-kii uu dilay 42 haween ah.