Tuhmane loo xiray meydadka laga helay goobta qashin-qubka ee Kware ee Nairobi

0
437

Waxaa lagu soo warramayaa in la xiray tuhmanaha ugu weyn ee meydadka laga helay goobta qashin-qubka ee Kware oo ka tirsan xaafadda isku raranta ee Mkuru Kwa Njenga ee deegaanka Koonfurta Embakasi, ismaamulka Nairob.
Tuhmanaha oo magaciisa lagu sheegay Collins Jumaisa ayaa saaka laga soo qabtay xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi, halkaas oo ay booliiska sheegeen inuu ku dhuumaaleysanayay.
Booliiska ayaa laga soo xigtay, in eedeysanaha uu qirtay in dilal uu gaystay.
Mid ka mid ah saraakiisha amniga ayaa tilmaamay in eedeysanaha uu yahay mid aan ka qoomameyneynin falalka uu gaystay.
Waxaa lagu wadaa in eedeysanaha berri maxkamad la soo taago.
Tani ayaa ku soo aadeysa iyadoo tirada meydadka ilaa iyo hadda laga helay goobta qashin-qubka ee Kware ay gaartay 9.