DHAGEYSO:Wiil dhallinyaro ah oo xalay lagu dilay xaafad ka tirsan magaalada Garissa

0
680

Waxaa fiidnimadii xalay magaalada Garissa lagu dilay wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdi Maxamuud Sh Digaale.
Marxuumka ayaa la dilay xilli ku sugnaa inta u dhexeysa xaafadaha Buula Mzuri iyo Hodan ee magaalada Garissa.
Dadka deegaanka oo dhacdadan ka carooday ayaa sheegay inay aad uga murugoodeen dilka wiilka dhallinyarada ah loo gaystay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in koox burcad ah oo lagu magacaabo ‘Chafu’ la sheegay inay dileen wiilka dhallinyarada ah ka dib markii uu diiday inuu taleefoonkiisa dhiibo.
Dhacdadan ayaa si gaar ah uga dhacday waaxda Waaberi ee magaalada Garissa.
Wakiilka laga soo doortay deegaanka hoose ee Waaberi Abuubakar Xaaji Suugow ayaa cambaareeyay falkan foosha xun, isagoona tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska marxuumka.
Waxaa uu baaq u diray laamaha ammaanka ee ku sugan aagga Kunaso, si baaritaano degdeg ah ay u sameeyaan.

Dhanka kale, guddoomiyaha dalladda hoggaamiyaasha muslimiinta wadanka ee NAMLEF laanteeda ismaamulka Garissa Sheekh Xasan Cabdullaahi Cameey ayaa ka tacsiyadeeyay dilka loo gaystay wiilka dhallinyarada ah, isagoona ku baaqay in tallaabo adag laga qaado dadkii ka dambeeyay dilkaasi.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay in aan wali la hagaajin waddada xirriirisa ismaamullada Garissa iyo Nairobi, isagoona baaq u diray dowladda dhexe.