NCIC oo dhallinyarada ku bogaadisay dhaqdhaqaaqii ay sameeyeen

0
216

Guddoomiyaha guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC Samuel Kobia ayaa da’yarta waddanka ku boorriyay in si aan qabyaalad lahayn ay dowladda uga dalbadeen isbeddel.
Waxaa uu sheegay in tani ay waafaqsan tahay dadaalka uu guddiga ku mideynaya kenyaanka iyadoo aan la tixgelin qowmiyadaha ay ku abtirsadaan.
Kobia ayaa xusay in dhallinyarada ay muujiyeen in ay qaateen astaan qaran taasi oo dhiirigelinaysa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ka guddi ahaan ay ka go’an tahay sidii ay u sii xoojin lahaayeen wadajirka nabadoon ee bulshada.