In ka badan 60 qof oo lagu la’yahay Nepal

0
359

Ugu yaraan 60 qof ayaa lagu la’yahay dalka Nepal ka dib markii labo bas oo rakaabkan siday ay la tageen biyaha webi soo fatahay
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale waddankaasi uu saameeyay dhul go’ waxaana la soo badbaadiyay 3 qof oo dabbaal ku gudbay.
Basaska ay biyaha qaadeen ayaa marayay waddada wayn ee xiriirisa Narayanghat iyo Mugling meel u dhow degmada Simaltar oo ilaa 120 kiilomitir dhanka galbeed uga beegan caasimadda Nepal ee Kathmandu.
Afhayeenka booliiska ,Dan Bahadur Karki ayaa sheegay in baska koowaad ay saarnaayeen 41 qof oo rakaab ah.
Baskan ayaa ka soo ambabaxay magaalada Kathmandu wuxuuna ku wajahnaa Gaur.
Baska labaad ayaa siday 24 qof oo rakaab ah wuxuuna ka yimid Birgunj isagoo ku wajahnaa Kathmandu.