Qaar ka mid ah dhallinyarada dalka oo muujiyay dareenkooda ku aaddan tallaabadii uu shalay madaxweyne William Ruto uu ku kala diray golihiisi wasiirrada ayaa ugu baaqay in xukuumadda cusub ee uu soo dhisaya ay boqolkiiba 50 da’yar noqoto.
Waxay doonayaan in isbeddelka uu billaabay uu ka sameeyo dhammaan waaxyaha dowladda.
Sidoo kale waxay madaxweynaha ugu baaqeen in wasiirrada uu soo xulan doono uu ku saleeyo aqoontooda, kartidooda iyo khibradooda balse uunan ugu daneyn garab siin siyaasadeed iyo arrimo kale.
Dhallinyarada ayaa sidoo kale xusay in ay waxqabad wanaagsan ka dalban doonaan barasaabyada ismaamullada.
Hoggaamiyaha qaranka ayay ku boorriyeen inuu dalka nidaamiyo iyadoo aan la cabsi gelin.
Waxay sheegeen in hadda la dareemaya in dadaalkii ay geliyeen dibadbaxyadii waddanka ka dhacay uu miro-dhalay.
Sidoo kale qaar ka mid ah da’yarta ayaa doonaya in lala xisaabtamo wasiirrada xilalka laga qaaday oo la xaqiijiyo in aynan ka macaashin hanti dadweyne oo ay lunsadeen.