DHAGEYSO:Ardayda machadka farsamada ee Borabu oo dibadbax sameeyay

0
286

Waxaa bannaanbax sameeyay ardayda machadka farsamada ee Borabu oo ka tirsan ismaamulka Kisii.
Waxay sheegeen in ay la kulmayaan falal ay ka mid yihiin dhac iyo faraxumeyn.
Laamaha ammaanka ee Kisii ayay ardayda ugu baaqeen in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkan.

Maamulaha machadkan Dr. Were Momanyi ayaa sheegay in la xiray hal eedeysane oo lala xiriirinaya dhibaatooyinka ardayda loo gaystay.

Guddoomiyaha ammaanka ee deegaankaasi James Mongeri ayaa sheegay in ciidamada ammanka ay billaabeen roondooyin laga sameynaya agagaarka machadka farsamada ee Borabu sidoo kalena ay wadaan baaritaano ku saabsan xadgudubyada dhacay.