Waxaa markii ugu horreysay kulan wada yeeshay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Ingiriiska Keir Starmer iyo madaxweynaha Maraykanka Joe Biden.
Waxay ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in la gaaro heshiis xabbad joojin oo u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wada hadallada lagu heshiisiinaya Israa’iil iyo ururka Xamaas ee Falastiin ay ka socdaan magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Waxaa habsami u socodka wada hadallada caqabad ku noqday bartilmaameedsiga ay Israa’iil u gaysanaysa xarumaha qaramada midoobay , dugsiyada Qaza, amarrada daadgureynta ee isa soo taraya iyo isbitaallo ay dantu keentay in la xiro.