Waxaa la xaqiijiyay geerida garsoore David Majanja oo ka howlgalayey maxkamadda sare ee dalka.
Madaxa waaxda cadaaladda waddanka Martha Koome ayaa sheegtay in xaakinka uu geeriyooday ka dib markii xalay fiidkii qalliin loogu sameeyay isbitaal ku yaalla ismaamulka Nairobi.
Koome ayaa Majanja ku tilmaantay shakhsi door wayn ka soo qaatay horumarka dhanka sharciga ee dalka.
Waxay hoosta ka xarriiqday inuu tiir muhiim u ahaa waaxda cadaaladda iyo si gaar ah adeegga laanta garsoorka ee JSC.
Martha Koome ayaa tacsi u dirtay qoyska, ehellada iyo saaxiibbada uu ka baxay xaakinka waxayna sheegtay in ay garab taagan yihiin xilligan adag.
Garsoore David Majanja ayaa maxkamadda sare ee dalka ku biiray sanadkii 2011-kii wuxuuna ka soo shaqeeyay ismaamullada Homa Bay, Migori, Kisumu iyo Kisii.
Waxaa uu ka hor inta uunan geeriyoon ka howlgalayey qaybta arrimaha ganacsiga iyo canshuurta ee maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi.
25-kii bishii Shanaad ee May ee sanadkan ayay ahayd markii xaakinka dib loogu doortay xubinnimada guddiga adeegga garsoorka ee JSC isagoo matalaya ururka garsoorayaasha ee (KMJA)