Mas’uuliyiinta NATO oo ku shiraya Maraykanka

0
341

Waxaa magaalada Washington DC ee Maraykanka kulan soconaya saddex cishe ku yeelanaya madaxda 32-da dal ee xubnaha ka ah gaashaanbuurta NATO.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo la xusaya sanadguuradii 75-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii NATO.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in gaashaanbuurtan ay hadda ka awood badan tahay sidii hore.
Shirka ayaa looga arrinsanaya taageerada militari ee la siinaya Ukraine si ay iskaga difaacdo duullaanka Ruushka.
Sidoo kale waxaa lagu qiimeynaya qarashaadka ku baxo howlaha militariga iyo siyaasadda lagula macaamilaya Shiinaha
Dhanka kale afhayeen u hadlay dowladda Ruushka oo lagu magacaabo Dmitry Peskov ayaa sheegay in xukuumadda Moscow ay si dhow ula soconaysa kulanka NATO ee Maraykanka.
Peskov ayaa sheegay in NATO ay Ruushka cadow u aragto.
Shirkan ayaa noqonaya midkii ugu dambeeyay ee uu ka qayb galaya Xoghayaha Guud ee gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg.
Mas’uulkan oo NATO hoggaaminayay tan iyo bishii Tobnaad ee sanadkii 2014-kii ayaa waxaa 1-da Oktoobar ee sanadkan beddelaya Mark Rutte oo horay Ra’iisul Wasaare uga soo noqday Netherlands.