DHAGEYSO:Tirada dadkii ku dhintay Migori oo sii korortay

0
433

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ee ku dhintay shilkii laga soo tabiyay goob macdanta laga soo saaro oo ku taalla ismaamulka Migori.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in dhacdadaasi ay ku nafwaayeen 5 qof.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo duntay goobta dahabka laga soo saaro ee aagga Kanga oo ka tirsan deegaan baarlamaneedka Rongo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 18 qof oo macdan qodoto ah ay goobta ku sugnaayeen markii ay soo dumaysay.
Ilaa 10 qof ayay wararku sheegayaan in ay weli ku xanniban yihiin goobtaasi oo loo yaqaano Choppa Gold Mine.
Shacabka Migori ayaa loogu baaqay in ay ka qayb qaataan dadaallada lagu soo samata bixinaya shakhsiyaadka weli halkaasi ku xanniban.
Mid ka mid ah shacabka ayaa ka warramaya sidii ay wax u dhaceen.